Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan oo Goordhaweyd warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulkaas ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaliya.
Shariif Xasan Shiikh aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo lagu tilmaamo in uu yahay siyaasi galaan-gal badan, ayaa muddo ku haminayay inuu mar un noqdo Madaxweynaha Soomaliya, isagoo doonaya inuu uga faa’ideysto saameynta uu ku leeyahay siyaasada dalka.
Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa hada ciyaaraya siyaasad labo afle ah, isagoo doonaya inuu qaldo shaxda awood qeybsiga ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka Soomaliya ee soo taxneyd tan iyo sanadkii 1960-kii, xilligaasoo ay soo bilaabatay in Guddoomiye Baarlamaan ay helaan beelaha Digil iyo Mirifle.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh ayaa Sanadkii 2012-kii isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaliya , laakiin damaciisa waxaa mar kaliya la gediyay Pro Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ku guuleystay jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya , waxaana taas ay keentay inuu si toos uga haro Tartanka Madaxweynaha Soomaliya oo xiligaas uu ku guuleystay Xasan Shiikh Maxamuud,

