Dawladda jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegtay in doorashada madaxtinimada oo lagu wadey in ay ka qabsoonto dalkaas dhamaadka sanadkaan dib loo dhigay illaa iyo sanadka 2018-ka.
Tilaabadaan ayaa la sheegay in ay aad uga caroodeen qolyaha mucaaradka ah ee dalkaas waxaan ay ku tilmaameen mid madaxweyne Joseph Kabila uu doonayo in uu xilka ku sii dheeraysto.
Go’aankaan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ay kulan yeesheen isbahaysiga talada haya iyo qaar ka mid ah xisbiyada yar yare ee dalkaas ka jira, balse xisbiyada ugu waaweyn dalkaas ayaa diiday in ay kulankaas ka qayb galaan
Jadwalka Doorashada iyo waqtiga madaxweyna ayaa ku beegan bisha November, ee soo socota inkastoo hadda madaxweyne Kabila, uu sheegay in dib u dhac uu ku yimid waqtigii lagu waday doorashada.

