Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa xiligaan isku diyaarinaaya sidii ay ula wareegi lahaaayeen saldhigyada ay ka baxeen Ciidamada Malatariga Dowladda Ethopia ee qeybta ka Howlgalka Amisom.
Corneel Tawane Axmed Gurey oo ah Taliyaha Ciidamada Guutada 10-aad ee gaaska 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamadii la wareegi lahaa Saldhigyada ay ka baxeen Ciidamada Ethopia ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom.
Tawane Axmed Gurey waxa uu Tilmamay in Ciidamada la diyaariyay ay u dhameystiran yihiin qalabkooda islamarkaana ay dagaal kaga saari doonaan Al-shabaab saldhigyadii ay la wareegeen dhawaan ee ka baxeen Ciidamada Ethopia.
Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlglka Amisom ayaa dhawaan isaga baxay Deegaanada Ceel-Cali iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan oo ah deegaano Istiraatiiji ah oo isku xira Gobollada Hiiraan Shabeelaha Hoose iyo Bakool, Labada deeegaan waxaa haatan maamulada dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

