Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabelle ayaa xalay waxa ay dhageysteen Khudbadaha Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hirshabelle, oo la filayo in maanta lagu doorto magaalada Jowhar.
Musharixiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo gaaraya ilaa sadex Musharax ayaa midkiiba 30-daqiiqo u jeedinayay Baarlamaanka Khudbado ku aadan barnaamijkooda waxqabad hadii loo doorto Xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Madaxweynaha Hirshabelle waxaa isku soo sharaxay
1-Maxamed Cabdi Waare
2-Cali Cabdulaahi Cosoble
3- Cali Maxamed Carraale
Xaflada Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka dhacday Howlka shirarka Farjano waxaa ka qeyb galay Wasiiru-Dowlaha Maaliyada Xukuumada Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Xoghaya Joogtada Wasaarada Arimaha gudaha Pro Yaxye Cali ibraahim ,iyo siyaasiyiin caan ah.
Inta badan Musharixiinta ayaa balan qaaday hadii la doorto in ay wax ka qaban doonaan Cadaalada iyo Amniga xumida, kana shaqeyn doonaan Horumarka labada gobol iyo dhismooyinka wadooyinka bur bursan.
Waxaa sidoo kale iyana khudbado ku aadan barnaamijka waxqabadkooda u jeediyay Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle labo Musharax oo kala ah Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Cali Xasan Taakow oo u sharaxan Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
















