Labo Gabdhood oo Isla Dhalatay oo ku Geeriyootay Qoryooley Kadib Hoobiye Ku Dhacay Hoygii ay ku Noolaayeen+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Degmada Qorxooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Labo Gabdhood oo isla dhalatay in Xaley ay ku geeriyoodeen Gudaha degmadaas  kadib hoobiye ku dhacay Hoygii ay ku noolaayeen.

Hooyada  dhashay Labada Gabdhood ee Geeriyootay  ayaa idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijisay in xalay seqdii dhexe hoygii ay ka daganaayeen Gudaha Degmada Qorxooley ee Gobolka Shabeelaha hoose uu ku dhacay hoobiye islamarkaana uu ka dilay labo Gabdhood ay dhashay sidoo kale dhaawac daran uu soo gaaray wiil yar oo biooyin dhalnaa.

“Labo Gabdhood oo aniga aan dhalay aya ku dhimatay hoobiye kusoo dhacay hoy aan ka daganeen Degmada Qorxooley ee Gobolka Shabeelaha hoose, labada Gabdhood waxaa lagu kala magacaabi jirey khadiijo iyo iyo Faadumo, labada Gabdhood waxa ay galeen qol  si ay wax ugu soo qaadaan, mid kamid ah ayaa waday Cunug bilooyin dhalnaa,  intii ay guriga ku jireen ayuu hoobiye kusoo dhacay labada gabdhood ayaa ku dhimatay  halkaas, wiilkii yaraana waxaa soo gaaray dhaawac culus kiliyaha ayay wax ka gaareen Magaalada  Muqdisho ayaa loosoo qaaday”, ayay tiri hooyada dhashay Labada Gabdhood.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga halka laga soo tuuray Hoobiye iyadoo dhawaan Madfac ay tureen Ciidamada Amisom uu  ku dhacay guri ay dad shacab ah ay ku noolaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here