Wafdi uu hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Wafdiga Raisulwasaraha waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Puntland iyo shacab aad u fara badan.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland kulamo kula qaadan doona saacadaha soo socda Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Mas’uuliyiin kale isagoo kala hadli doona sidii loo xalin lahaa Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale Banaanaxyo loogu soo horjeeday socdaalka Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo deegaano kale oo Puntland ka Tirsan.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa xalay kulamo kula qaatay Magaalada Cadaado ee caasimada Kmg-ka ah ee Maamulka Galmudug madaxda Maamulkaas isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka aloosan.

