Raisulwasaaraha Soomaliya oo Madaxda Galmudug kala Hadlay Sida Lagu Xalin Karo Dagaalada Gaalkacyo+Dhageyso

0

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in kulan uu halkaasi ku dhex maray madaxweynaha Galmudug, madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi iyo waliba raisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Ugu horeyn kulankaasi ayaa la sheegay in xog looga dhageystay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuuseen Guulleed sidoo kalana raisul wasaaraha Soomaliya uu kala  hadlay madaxweyne guuleed sida ugu macquulsan ee lagu xalin karo dagaalada magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sida aynu ku helnay warar hoose raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa madaxda Galmudug ugu tacsiyeeyey askartii kaga geeriyootay weerarkii cirka ahaa ee diyaaradaha mareykanka iyo ciidamada Puntland ay ka fuliyeen duleedka Gaalkacyo.

Kulankaani ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biirayo Maanta madaxweynaha Maamulka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo la sheegayo in uu ku wajahan yahay Magaalada Cadaado ee G/galgaduud.

Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa markii uu tagay Magaalada Cadaado sheegay in uu ka mira dhalin doono ujeedkiisa ah in uu xaliyo dagaalada G/Mudug ku dhex marayo maamulada Puntland iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here