Markabkaan ay dawlada faransiiku usoo dirtay xeebaha Somalia ayaa lasheegay in uu qayb ka noqonayo howlgalka looga soo horjeedo burcad badeeda somalida ah ee badweynta hindiya ,waxaana la tilmaamay in markabkaas markii ugu horaysay uu kusoo xirtay dekada magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Sargaalka hogaaminaya markabkaas oo lagu magacaabo Stanislas Delatte,ayaa la kulmay qaar ka mid ah ciidamada militiriga iyo sidoo kale taliyaha ciidamada badda ee dalka Kenya,waxaana ay ka wada hadleen xaalada xeebaha Somalia iyo biyaha ka baxsan ee badweynta hindiya.
Kulankaan ayaa la tilmaamay in uu muhiim u yahay xiriirka u dhexeeya midawga Yurub iyo dawlada Kenya.
Ciidamada badda dalka Kenya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan dadaalada lagula dagaalamayo burcad badeeda somalida ah ee ka kasmeeya falalka burcadnimada ah biyaha badweynta hindiya.
Markabkaan laga leeyahay dalka faransiiska ee soo gaaray xeebaha dalka Kenya ayaa lasheegay in uu qayb ka noqonayo hawlaha ladagaalanka burcad badeeda somalida ee ka socday biyaha Somalia sidoo kalana uu illaalinta maraakiibta ay leedahay hay ada WFP ee doonaya inay gargaarka gaar siiyaan dadka somaliyeed.

