Xarunta Baarlamanka Maamulka Galmudug waxaa goordhaweyd lagu doortay xubintii ugu horeesay oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Tartanka Doorashada Aqalka sare waxa uu dhax maray saddex Musharax oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir gaar ahaan Beesha Saleemaan , waxaana doorashada kusoo baxay Musharax Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari)
Codadka ayaa sidaan loo kala helay
1-Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo helay codad gaaraya 48-cod
2-Ahmed Kaariye Xoor xoor oo helay 28-cod
3-Kamaal Guutaalle oo helay codad gaaraya 15-cod
Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) waa Milkiilaha Idaacadaga Goobjoog iyo GoolFm ee magaalada Muqdisho.






