Warbixin kasoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada OCHA ayaa lagu shaaciyay in kumaam kun ee shacab ah ay ku barakaceen colaada ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Galmudug.
Tiro lagu qiyaasay 50,000 oo qof , oo shacab ah ayaa la shaaciyay in ay ka barakaceen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dadka colaada ku barakacay oo u badan dad dan yar ah ay degeen duleedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo deegaano kale, waxa ayna dadkan hoy ka dhigteen Cooshado, waxaana lasoo sheegayaa in ay heesato xaalado adag oo dhanka nolosha.
Hay’addan oo fadhigeedu uu yahay Magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa ugu baaqday Maamulada Puntland iyo Galmudug in ay xaalada dajiyaan islamarkaana ay iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka si loo xaliyo Colaadaha Magaalada Gaalkacyo.
Wafdi uu Hogaaminaayay Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa shalay gaaray Magaalada Cadaado isagoona maanta gaari doona Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ujeedka wafdiga ayaa ah sidii loo xalin lahaa colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

