Dhageyso:-Howlgal ka Dhan ah Al-Shabaab oo Ka Bilowday Deeganada Koonfurgalbeed

0

Maamulka koonfurgalbeed soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu bilowday howlgal ka dhan al shabaab.

Wasiirka warfaafinta maamulka koonfurgalbeed Xasan cabdi maxamed ayaa sheegay in ciidamada maamulka koonfurgalbeed iyo kuwa amisom ay bilaabeen qorshe dagaal oo lagu wajahayo al shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka logu gon-leyahay sida al shabaab loga saari lahaa meelaha ay kaga harsan yihiin gobolada Bay.Bakool iyo Shabeella hoose.

Xasan cabdi maxamed ayaa waxa uu tilmaamay in doorashooyinka dalka ka qabsoomaya owgeed loo bilaabay howlgalkan ay sameynayaan ciidamada maamulka koonfurgalbeed iyo kuwa amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here