Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Caawa Degan Xili Maanta ay Kuwada Dagaalameen Ciidamada Galmudug iyo Puntland

0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa caawa dagan xili saakay ilaa duhurnimadii maanta ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kawada arimiya Magaaladaas.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadii kala duwan waxaa jirey madaafiic  dhowr ah oo ku dhacday  dagaalka inta uusan bilaaban aaga laga dhisaayo Maxjarka ee Galmudug u diidan tahay in Puntland dhisato.

Puntland oo ka hadashey dagaalka ayaa sheegtey in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ay qayb ka yihiin dagaalka Magaalada Gaalkaco , hadalada jees-jeeska ah ee ka soo baxay Dowladda Federaalkuna uu yahay mid sii hurinaya Colaada, haddii ciidamo la geenayo Gaalkacyo horeyba waa u joogeen waana kuwa u dagaalamaya Galmudug oo hiilada la garab taagan, mana jirto wax la yiraahdo ciidamo Qaran ee SNA ayaa lagu yiri war kasoo baxay  Puntland.

Dhanka kale Maamulka Galmudug oo dhankiisa ka hadlay dagaalka Magaalada Gaalkacyo  ayaa ku eedeyay madaxda Maamulka Puntland in ay sii hurinayaan colaada ka jirta Magaalada  Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyagoona beeniyay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay ka qeyb qaadanayaan Dagaalada Magaaladaas ka socda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here