Saraakiil ka Tirsan AMISOM oo Ku Wajahan Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug

0

Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Galmudug waxaa saacadaha soo socda ku wajahan saraakiil ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo horudhac  U ah Ciidamo AMISOM ah oo la geyn doono Magaaladaas.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha Magaalada cadaado kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Saraakiisha ka Tirsan Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya .

Saraakiishaan ka socota AMISOM marka ay gaaraan Magaalada Cadaado  ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Galmudug  waxa ay kulamo la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa Galmudug, iyagoo sidoo kale kormeero ku tagi doona Saldhigyada Ciidamada Galmudug, iyo goobaha loo diyaariyay in ay ka dhacaan doorashooyinka.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan dalbaday in la geeyo goobaha doorashooyinka Magaalada Cadaado Ciidamo ka Tirsan AMISOM si ay ugu qeyb qaataan sugida amniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here