Xidiga kooxda Borussia Dortmund Ousmane Dembele ayaa sheegay in uu doonayo u ciyaarista kooxda Barcelona balse uusan haatan diyaar u aheyn u dhaqaaqista horyaalka Spain.
19-sano jirkaan heerka caalami ee xulka dalka France ayaa ku biiray Dortmund isagoona kaga yimid kooxda Horyaalka dalka France ee Rennes, iskastoo kooxda Barcelona ay mudooyinkii dambe ay baadi-goobaysay.
Ousmane Dembele ayaa bandhig wanaagsan xili ciyaareedkaan ku qaadanaya Horyaalka dalka Germany isagoona duurbadiiba helay booska kowaad ee macalinka reer Germany ee Thomas Tuchel.

