Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan iyo bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in Ciidamada Ethopia oo qeyb ka ah howlgalka Amisom in ay isaga baxeen saakay degaanka Ceel-Cali oo ah goob istiraatiiji ah.
Kumanaan katirsan Ciidamada Malatariga Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom oo wata gaadiidka Gaashaaman ayaa u jihaystay dhanka xuduudaha ay wadaagaan Gobolka Hiiraan iyo dhulka Somali Galbeed.
Wararka sidoo kale aynu ka halayno degaanka Ceel-Cali e Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab In ay Xalay madaafiic ku gareen saldhig Ciidamada Ethpia ay deegaanka ku lahaayeen.
Deegaanka Ceel-Cali ayaa ah deegaanka Istiraatiiji ah oo isku xira Gobollada Hiiraan Shabeelaha Hoose iyo Bakool, waa deegaan waddooyin dhowr ah ay soo galaan.
Boqolaal katirsan ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada istiraatiijiga ah ee Ceel-Cali Saacado kadib markii ay isaga baxeen ciidamada gumeysiga Itoobiya.

