Faah-Faahin:-Qarax Gaari oo ka Dhacay Xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid

0

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maanta ku qarxay bartamaha suuqa loo yaqaano suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 2-qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen  4-ruux  oo kale oo dhamaanba  shacab ahaa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay in gaari ay laamaha amaanka ay ku daba joogeen maalmihii dambe balse uu maanta ku qarxay suuqa loo yaqaano suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, ayna laamaha amaanka  gacanya ku hayaan wadihii gaariga oo watay bastoolad ayna haatan su’aalo weydiinayaan Ciidamada Nabad Sugida dowlada Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here