Fredrick Shisia: “Waxaa Lagu Daba Joogaa Kuwii ka Dambeeyay Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Mandera”,

0

Ciidamada Booliska Magaalada Mandera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya ayaa sheegaya in ay ku daba joogaan raadad muhiim ah oo u horseedi kara kuwii ka dambeeyay weerarkii khamiista ay ku dhinteen lixda qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo looga shakisan yahay  Xarakada Al-Shabaab.

Booliska ayaa sheegay in baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen raadad muhiim ah oo u horseedi karasoo qabashada  kuwii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay kenyaan Cristian ah oo  xiligaas ku sugnaa Magaalada Mandera.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Fredrick Shisia ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Buula Public , ay kooxaha baaritaanka helayso sirdoon muhiim ah kuwaas oo keeni kara inaan ogaano ujeedada weerarka iyo kuwii weerarka soo qaaday,” ayuu yiri Mr Shisia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here