Xog La Helay:- Gudoomiyayaasha Degmooyinka Warta-nabada iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir oo La Isku Badalay

0

Warar hoose oo ay halayso  Idaacada Simba ayaa muujinaya in la isku badalay Gudoomiyayaasha degmooyinka Warta-nabada iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir Mudane Yaasiin Nuur Ciise iyo Qaasin C/llaahi.

Xaflad kooban oo maanta ka dhacday Gudaha Degmada warta-nabada ee Gobolka Banaadir oo uu kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Muqdisho Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyo qaar kamid ah Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka  Banaadir  ayaa lagu shaaciyay in la isku badalay gudoomiyayaasha degmooyinka Warta-nabada iyo Boondheere.

Mudane Yaasiin Nuur Ciise oo ahaa Gudoomiyihii degmada Warta-nabada ayaa loo badalay degmada Boondheere halka Qaasin C/llaahi oo asna ahaa Gudoomiyihii degmada Boondheere loosoo badalay degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Ilaa haatan lama oga sababaha ka dambeeyay in isku badalo  Gudoomiyayaasha degmooyinka Warta-nabada iyo Boondheere Yaasiin Nuur Ciise iyo Qaasin C/llaahi.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here