Kevin-Prince Boateng :- “Ronaldinho Waa Mid kamid ah Xidigihii Ugu Wanaagsanaa aan Kasoo Garab Ciyaaray”

0

Kevin-Prince Boateng  ayaa amaan u jeediyay laacibkii hore ee kooxaha Barcelona, Ac-milan, iyo Xulka Dalka Brazil Ronaldinho isagoona ku tilmaamay mid kamid ah xidigahii ugu wanaagsan kubada cagta xitii waxa uu aaminsan yahay in uu ka wanaagsan yahay laacibiintii hore sida Zinedine Zidane, Diego Maradona iyo Pele.

Xidiga qadka Dhexe ee kooxda Horyaalka Spain ee La Palmas oo kasoo garab ciyaaray xidiga Ronaldinho waayihiisa kooxda Ac Milan ayaa yiri “36-jirkaan waa midkii ugu wanaagsanaa ee lala soo wareego horyaalka dalka Talyaaniga.

Kevin-Prince Boateng   ayaa sidoo kale aaminsan in Ronaldinho uu wali leeyahay tayo wanaagsan aysan laheyn halyeeyadii hore ee kubada Cagta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here