Fagaaro ku yaala Deegaanka Buulo Fulaay ee Gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaliya waxa ay Al-shabaab ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu geystay dil isaga iyo rag kale oo hubaysan.
Ninkaan ayaa laga soo qabtay meel ku dhaw Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, kadib markii Shabaab ay ku eedeeyeen inuu dilay Nin socoto ahaa, Ninka dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Aadan Barow, waxaana lagu toogtay Fagaaraha deegaanka Buulo fulaay ee Gobolka Baay, xilli Shabaabka ay isugu yeereen dadka deegaanka.
Qaadiga Maxkamada Xarakada Shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta dalka Soomaliya , ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ninkaasi ka tirsanaa Dadka deegaanka Qansaxdheere.

