Ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa amisom ayaa Maanta howlgalo Baaritaano ah kawado xaafaddaha ku teedsan Degmada Isgoyska Baar’ubax. Waxana ciidamada ay xireen qeybo kamid ah wadada Sodonka.
Wariyaheen Bashiir Maxamuud Yuusuf (Bk) oo socod ku soo maray qeybo kamid ah wadada sodonka ayaa inoo sheegay in Gadiid kuwa dagaal oo ay leeyihiin ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaaliya ay yaalaan qeybo kamid ah wadada sodonka.
Weriyaha ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaano ka wadaan guyo ku yaalo inta u dhaxeyso isgoysyada Blacksea iyo Baar’ubax islamarkana ay ciidamada hakad geliyeen gaadiidka isticmaala wadada sodonka oo kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan magaalada muqdisho.
Howlgalada ayaan la ogeyn dadka ilaa haatan ay ciidanka ku soo qabteen balse maalmihi la soo dhaafay dadka kunool xaafada ku dhow baar’ubax iyop blacksea ayaa ka cabanayay rag ku labisan dharka ciidanka dowlada kana kooban 6 nin oo xiliyada habeenki dhac ka geysta xaafadahaasi.

