Dastuurka Cusub ee uu Yeelanayo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Maanta La Ansixiyay

0

Ergooyinka ku shirsan Magaalada Jowhar ayaa maanta  si rasmi ah u Ansixisay Dastuurka Cusub ee uu yeelanayo dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee dhismihiisu wali ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ergada kulanka soo xaadirtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen  tiradooda 202 xubnood, waxaana cod gacan taag ah dastuurka ku ansixiyay 186 xubnood, waxaa ka maamustay 10 xubnood halka inta hartay ay diiday.

Howlka shirarka Magaalada Jowhar  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ku sugnaa markii la ansixinayay  Dastuurka Cusub ee uu yeelanaayo dowlad Goboleedka Hirshabeelle mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here