Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Madaafiic ay Tuureen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan Gobolkaas ayaa sababtay dhimashada dad shacab ahaa.
Mid kamid ah Madaafiic ay rideen Ciidamada AMISOM ayaa ku dhacay Tuulada Faranga oo 5-KM u jirta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaaa madfacaasi uu ku hubsaday guri ay dad shacab ah deganaayeen.
Inta la xaqiijiyay 6-qof oo isku qoys ahaa ayaa ku dhimatay madfacaasi ku habsaday Tuulada Faranga , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale oo iyana katirsanaa Qoyskaasi sida warbaahinta ay u sheegeen dad halkaas ku sugan.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Midowga Afrika ee Amisom ay ugu hadlayaan dhacdadaan ka dhacday Tuulada Faranga oo 5-KM u jirta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, xili dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ay sameeyeen Ciidamada Amisom.

