Ururka Midowga Africa oo Si Kulul  u Cambaareeyay Isbuurashadii ka Dhacday Dalka Ethopia

0

Ururka Midowga Africa ayaa si kulul u cambaareeyay isku dhacyadii dadka badan ay ku dhinteen una dhaxeeyay Police-ka iyo Qoomiyada Oramada  ee dalka Ethopia Dagto.

Xasaradaha ayaa dhacay kadib markii dadka oramada ah ay rabeen in ay u mahad celiyaan Waqaa oo ay u yaqaanaan wax gooni ah oo ay caabudaan sida( Allah) ayaga oo dalabkoodu ahaa naxariis iyo jaceel in ay helaan iyo xuquuq lamid ah 96-ka million ee ku nool dalkaasi.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in ay tahay wax laga xumaado wixii dhacay kuna tilmaamtay dad rabshado watay in ay dhinteen.

Waxaana la xaqiijiyay ugu yaraan in ay ku dhinteen 250 Oramada dagta dalka Ethopia, Ciidamada amaanka ee dalkaasi ayaa dadka ku furay gaaska dadka ka ilmeeysiiya iyo baaruut.

Midowga Africa ayaa dowlada Ethopia ku tilmaamay mid aan siman xuquuqda Shacabka dalkeeda ay ku leeyihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here