Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Aamina Maxamed Jibriil oo u Sharaxan Xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

0

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Aamina Maxamed Jibriil oo asal ahaan kasoo jeeda  dalka Soomaliya ayaa haatan u sharaxan in ay noqoto Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Aamina Maxamed Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya  waxay la tartami doontaa Agapito Mba Mokuy oo u dhashay dalka Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily oo Senegal iyo Pelonomi Venson-Moitoi oo u dhalatay dalka Botswana.

Maanta oo Isniin ah ayaa Madaxweynaha Kenya Mr Uhuru Kenyatta waxa uu warqadda codsiga musharaxad Amina Maxamed Jibriil u gudbiyay Ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in aamina Maxamed Jibriil ay tahay qof u qalanta in ay noqoto Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Fursadaha Aamina  Maxamed Jibriil ku saacidaya iney ku guuleysato xilka Gudoomiyaha Urur Miwoga Afrika ayaa waxaa ka mid ah inaysan jirin qof kale oo ka socda Bariga Afrika oo xilkan u tartamaya iyo siyaasi ka socda Bariga Afrika oo aan wali xilkan qabanin.

Bishii July ee Sanadkan ayey doorashada Guddoomiyaha midowga Afrika ka dhacday magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxaana musharrixiintii isu soo taagay ay ku guuldareysteen inay helaan mid koodna codadkii loo baahnaa ee saddex meelood labo meel ka dib todoba wareeg oo la codeeyey.

Haweeneyda u dhalatay Koonfur Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma oo hadda ah gudoomiyaha Midowga afrika ayaa la filayaa inay xafiiska baneyso marka la doorto qofkii beddeli lahaa, waxaana xilka loo doortay 2012kii.

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Aamina Maxamed Jibriil inta ay hayso xilka Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya waxa ay ku guuleystay in ay Kenya soo booqdaan madax sare sida Madaxweynaha Mareykanka Obama, Raisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, Raisulwasaaraha India Narendra Modi, Raisulwasaaraha Italy Matteo Renzi  iyo Pop-ka dalka france Pope Francis.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here