Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya oo Magaalada Beledweyne Kulan kula Leh Odayaasha Reer Hiiraan

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya mudane Maxamed Cumar Carte oo shalay gaaray Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa haatan halkaas kulamo kula qaadanaya Mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka reer Hiiraan.

Kulamo ayaa la sheegay in inta badan diirada Lagu saarayo sidii odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay ugu qeyb gali lahaayeen Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo gogashiisu ay taalo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Raisulwasaare  ku-xigeenka Soomaliya, Wasiru dowlaha Wasarada Arrimaha Gudaha Xukumada Soomaliya C/rashiid Xidig ,Afayeenka Xukumada Soomaliya, Saraakiil Ka Socota Safaradda Jabuuti ee Soomaliya, iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah ugaaska beesha Xawaadle.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo horay uga hor-yimid shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa marar badan eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud, isagoo diiday in Hiiraan lagu daro Shabeelaha Dhexe, si maamul mideysan labada gobol loogu dhiso.

Shirkii Madasha Wadatashiga  ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho waxaa lagu ansixiyay  in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu yahay duubka Beesha Xawaadle ugu jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135-ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas Muumin, iskastoo uu arintaas ka yor yimid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here