Ergooyinka Shirka Maamul u Sameynta G/ Hiiraan iyo Sh/ Dhexe oo Maanta Guda Galay ka Doodista Dastuurka+Sawirro

0

Ergooyinka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta Guda galay ka doodista Qabya qoraalka Dastuurka Dowlad Gobooledka Hiiraan iyo Sh-dhexe, oo ka kooban 7 Cutub.

Qabya qoraalka Dastuurka uu yeelan doono maamulka Cusub, ayaa waxa ku jira Cutubyo muhiim ah oo ka hadlaya Astaanta maamulka, xuduudihiisa iyo nidaamka uu ku shaqeynayo Dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dederaalka Soomaaliya, Pro Yaxye Cali Ibraahim, oo ka Hadlay kulanka ayaa sheegay in qorshuhu yahay in Todobaadkan lagu soo dhameeyo shirka Ergada ay ku ansixinayaan qabya qoraalka Dastuurka.

Sidoo kale Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dederaalka Soomaaliya, Pro Yaxye Cali Ibraahim ayaa tilmaamay shirka Ergada ay barbar socoto xulista Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe .

 

jowhar2 jowhar4 jowhar5 jowhar6 jowhar8

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here