Inta la xaqiijiyay 4-qof ayaa dhaawacantay kadib markii qarax Miino oo lasoo soo dhex galiyay Bac Madow uu Maanta ka dhacay maqaayad ku taala Gudaha Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Maamulka Degmada Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo la Hadlay idaacada Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 4-ruux oo dad shacab ahaa oo xiligaas ku sugnaa Maqaayada iyo goob dukaamo ah oo ka dhawaa Maqaayada uu qaraxa ka dhacay.
Ilaa Haatan ma jirto cid rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

