Madaxweynaha Soomaliya oo Xalinaya Qilaaf Soo Kala Dhexgalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Dorashooyinka

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta  lagu wadaa in ay Gaaraan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ah halka sida rasmiga ah uu ugu socdo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa qilaaf soo kala dhexgalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka  dadban oo la xiriira Arrimaha Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Guddiga Dorashooyinka  dadban ayaa dhawaan shaaciyay in arrimaha Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu dhameystiraayo Magaalada Muqdisho balse arrintaas waxaa ka hor yimid  Wasaaradda arrimaha Gudaha  iyo Urur Goboleedka oo ku Mashquulsan arrimaha Shirka Jowhar.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulamo la qaadan doona Ms’uuliyiinta ku sugan Magaalada Jowhar  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe si xal loogu gaaro muranka soo kala dhexgalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Dorashooyinka  dadban.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here