Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo Warqadaha Aqoonsi Safiirnimo ka Gudoomay Danjire Hussein Hagi+Sawirro

0

Madaxweynaha Koonfurta dalka Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa warqadihiisa aqoonsi Safiirnimo ka Gudoomay Danjiraha Somalia u Fadin doona dalkaas.

Munaasabad si heer sare  loo soo agaasimey kana dhacday Madaxtooyada looga arrimiyo wadanka Koofur Sudan ee “J1” ayuu madaxweyne Salva Kiir Mayardid waraaqihii safiirnimo kaga gudoomay danjiraha dowlada Federalka Soomaaliya u  Magacawday  Wadankaas Mudane Hussein Hagi Ahmed Mohamud,

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Wasiiro ka tirsan dowlada Koofur Suudan iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada jubba ee Caasimada ah ee dalkaas.

Danjire Hussein Hagi Ahmed Mohamud ayaa sidoo kale gaasiiyay Madaxweyne Salva Kiir fariin uu kaga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaalya mudane Hassan Sheikh Mohamud.

Safaaradda Soomaaliya ku laheyd dalka Koofurta Sudan ayaa la soo xiray sanadkii 2015, markii Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu soo jeediyay qorshayaal lagu xirayay Safaaradaha qaar ee Soomaaliya ku laheyd caalamka, maadaama aan dhaqaale loo heyn.

Safaaraddaha xilligaas la soo xiray ayaa waxaa ka mid ahaa Safaaradda Burundi oo Soomaaliya ka joogaan ciidamo, taasoo su’aalo badan keentay,Waa Safiirkii labaad oo dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Koofurta Sudan oo xornimadiisa qaatay sanadkii 2011, waxaa safiirkii u horeeyay uu ahaa Amb. C/raxmaan Maxamed Nuur Diinaari.

14480557_651519938342258_592909724812535119_o 14556731_651519925008926_5054322372165744849_o 14560010_651519725008946_6225032326955998331_o 14566302_651519711675614_3143535941914374017_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here