Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Mudane Faarax Macalin iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal ayaa isku gacan qaaday xili ay ku sugnaayeen mid kamid ah Hoteela ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Muuqaal kooban oo soconaya hal daqiiqo ayaa waxa lasoo dhigay baraha bulshada waxaana kasoo muuqday Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal oo isku gacan qaadaya iskastoo dadkii ku sugnaa hoteelka Serena Hotel ay ku Guuleysteen in ay kala dhexgalaan.
Ma cada waxa ay isku qabteen Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac, balse labada nin oo ah kuwo hal beel ka soo jeeda,ayaa waxa lagu xaliyay murankooda kulan ay qabanqaabiyeen madaxda beesha kaasoo kusoo dhamaaday is afgarad iyo in labada masuul isgacan saaraan.

