Dhageyso:- Labo Qof oo ku Dhintay Qarixi Miino ee Saakay ka Dhacay Degmada Kaaraan

0

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qarax miino oo saakay ka dhacay degmada kaaraan ee gobolka banaadir lobo qof oo la sheegay in ay haween yihiin.

Qaraxa oo si gaar ah kaga dhacay suuq lagu iibiyo xoolaha nool laguna magaacabo Xergo-Dheere ayaa waxa marka laga tago dhimashada labada qof ee haweenka ah waxaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen 10 qof oo dad shacab aha.

Goobta qaraxa oo ka dhacay oo aheyd Biibato laga shaaheeyo waxaa xiliga ku sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa minishiibiyada dowalda hoose ee xamar.

Qof goob jooge ah ayaa idaacada simba u sheegay in qaraxa miino uu aha mid xoogan islamarkana saameyn ku yeeshay ganacsi suuqa.

Qaraxa ayaa dhacay xili suuqa oo a jiray mashquul ku aadan kala iibsashada xoolaha.

Weli waxaan qaraxa ka hadlin maamulka degmada kaaraan iyo saraakiisha ciidamada amaanka dowlada soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here