Ururka  CPJ oo Ku Baaqay in Gacanta Lagu Soo Dhigo Ragii ka Dambeeyay Dilka Wariye C/casiis Xaaji

0

Urur  Difaaca Suxufiyiinta ee loo soo gaabiyo CPJ oo war ka soo saaray dilka allaha u naxaristee Wariye abdiaziiz Maxamed ali haji oo ka howl galayay shabakada warbaahinta shabelle kana mid ahaa wardoonayaasha raadiyaha ayaa ka codsaday dowlada federalka soomaaliya in ay baaritaan xoogan ku sameeyso qaabkii loo soo qaban lahaa cidii ka dambeesay dilka marxuumka.

Ururka CPJ ayaa sheegay sanadka gudihiisa in soomaaliya lagu dilay wariyihii labaad waxaana intaa ay ku dareen in soomaaliya ay kamid tahay  meelaha  ugu qatarta badan ee uu ka howlgali karo saxafi dalkiisa iyo dadkiisa u shaqeynaya.

Bishii June  ay soo dhaafnay ee sanadka waxaa afaafka hore ee jaamacada Plasma ee Magaalada Muqdisho  lagu dilay allaha u naxariistee Sagal Salad Osman oo ka howlgali jirtay warbaahinta dowlada Soomaliya.

Ururka CPJ ayaa intaa ku daray Intii u dhaxeeesaay  sanadii 2014-2015-kii in ay aheyd xiligii ugu badneyd ee la dilay suxufiyiin badan oo ka howlgalayay Gudaha dalka Soomaaliya.

Cpj ayaa intaa ku daray in dowlada soomaaliya dhowr jeer ay xireen raadiyaha shabelle isla markaana xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah shaqaalaheeda qaarkoodna naftooda ay ku waaayeen intii shaqadooda ay ku guda jireen halka kuwa kalena la weeraray.

Ugu dambeyntii Uruka CPJ ayaa ka codsaday dowlada federalka soomaaliya in ay gacanta ku soo dhigeen cidii ka dambeesay dilkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Abdiaziiz Mohamed ali Haji oo galabnimadii shalay lagu dilay xili uu ku sugnaa dagmada yaaqshiid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here