Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta deeq dhar ah gaarsiiyay Maxaabis soomaliyeed oo ku eedeysan Burcad Badeednimo oo dhameysatay Todobo sano oo xabsi ah.
Maxaabiista oo ku xiran xabsiga Kimiti ee Magaalada Nairob ee dalka Kenya ayaa waxaa Isniinta soo socota Tariikhdana ay ku beegan tahay 8-bisha ayaa lagu wadaa in xabsiga laga sii daayo, si ay dib dalkoodu ugu laabtaan.
Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), Qunsulka Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi, ayaa wuxuu maxaabiista gaarsiiyay deeq dhar ah, isagoo Mas’uuliyiinta Xabsiga Kimiti ee Magaalada Nairobi kaga mahadceliyay sida ay ula dhaqmeen.
“Sharaf wayn ayay inoo tahay inaan maanta soo booqano maxaabiistan Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay toddobo qof, waxaan u diyaarinay waraaqaha GO Home-ka. Arrintooda waxaa nagala shaqeeyay qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobe.” Ayuu yiri Cali Bagadi.









