Madaxweynaha Galmudug oo Warbaahinta kasoo Hormuuqday kadib Qaliin Lagu Sameeyay+Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed  oo dhawaan qaliin loogu sameeyay dhanka wadnaha isbitaal ku yaala Hindiya ayaa markii ugu horeysay Warbaahinta  kasoo hormuuqday.

Mudane C/kariin Xuseen Guulleed   ayaa  sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan islamarkaana uu aad ugu mahadcelinaayo dadkii usoo duceeyay mudadii uu qaliinka marayay wuxuu sidoo  tilmaamay in dhawaan uu dalka dib ugu soo laaban doono, si uu usii wato Howlihii shaqo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed  ayaa sidoo kale aad ugu mahadceliyay Dr. Ramakanta Panda qaabkii wanaagsaneed ee ula tacaalay xanuunkiisa Ilaahna ugu guuleeyay.

Dr. Ramakanta Panda ah ayaa kamid ah 5-ta Dhaqtar ee ugu waa weyn dalka India waxuuna haystaa Abaalmarinta Padma Bhushan waxuuna hore Qaliino lagu guuleystay ugu soo sameeyay Ra’iisul-wasaaraha India ee xiligaan Narendra Modi iyo Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi iyo Madax badan oo dalkaasi iyo Caalamka ka tirsan oo Madaxweynaha Dowlada Galmudug uu kamid yahay oo dhamaantood lagu guuleystay. Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed xiligaan.

1-3 03-1 05 13884332_10153831732538295_1528930591_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here