Saraakiil Boolis ah oo ka Socda Dalka Uganda oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Saraakiishaan cusub ayaa waxa ay ka mid yihiin qaybta (FPU ee booliska dalka Uganda waxaana shalay lagasoo dejiyay Garoonka Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Taliye qaybeedyadaan cusub oo ka mid noqonya hawlgalka AMISOM gaar ahaan qaybta booliska  waxaa lagu bedelay kuwa taliye qaybeedyo kale oo mudo halsano ah dhamaystay oo ku sugnaa Somaliya.

Dawlada Uganda ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada ciidmada ugu badan ee AMISOM ee Somalia jooga waxaa sidoo kale  kamid ah Kenya, Nigeria, Sierra iyo Ghana Leone.

Xaflad xilka ay ku kala wereegayeen saraakiishaan cusub iyo kuwa waqtiga dhamaystay ayaa waxa ay ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee aadan cadde.

Taliye ku xigeenka ciidamada Boolis AMISOM Christine Alalo,ayaa sheegay in saraakiishaan cusub ee Somaliya soo gaaray ay u taalo hawl adag oo loogu baahan yahay in ay kasoo dhalaalaan.

Ciidamada booliska AMISOM ayaa loogu talagalay in ay caawiyaan islamarkaana ay la shaqeeyaan booliska Somaliyeed.

28615458702_f1c3067807_m 28105728013_343d8df24b_n 28721314415_87a7d020c3_m 28721321245_2a35bc4d03_n 28721313285_392f3af6fc_m 28721312055_5d191bf4fa_m 28721310345_a5780d70de_m 28615471522_ac2229d052_m 28615470112_bc7533625e_z

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here