Maxkamad ku taal Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda waxaa maanta kasoo hor muuqday Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dalka Uganda oo qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM isla markaana lagu soo eedeyay in uu ku guul dareystay in uu difaaco askar uu Taliye u ahaa oo ku sugnaa deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellle Hoose.
Korneel Bosco Mutumbi oo da’diisu tahay 50 sano ayaa si gaar ah loo eedeeyay In uu difaaci 19-askar uu madax u ahaa oo ku dhintay weerar al-shabaab ay ka geysteen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellle Hoose.
Dacwad ooge Raphael Mugisha ayaa sheegay in Mr Mutumbi loo heysto labo dambi ah oo kala ah; xil gudasho la’aan oo keentay in ay dhintaan qaar kamid ah saraakiisha ciidanka iyo in uu ku guuldareystay in uu si waafi ay isugu duba rido howlgalada ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.
Mr. Mugisha ayaa maxkamadda u sheegay in ninka lagu magacaabo Mutumbi intii u dhexeysay bilaha June iyo September ee sanadkii 2015 ay ahaayeen ciidanka Janaale joogay kuwo u nugul in ay Al-shabaab weeraraan, hase yeeshee isaga uu ku guul dareystay in uu halkaas ka raro ciidan kalana uu ku badalo.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni uu amar ku bixiyay in lasoo xiro Taliyahaan lagu magacaabo Korneel Bosco Mutumbi.

