Dowlada Soomaliya ayaa si kulul ugu Jawaabtay hadal kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord ee dalka Kenya Raila Odinga ee ahaa in beesha caalamka ay aqoonsato maamulka Somaliland.
Safiirka Somaliya ufadhiya Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska The Star ayaa hadalka kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord ee dalka Kenya Raila Odinga ku tilmaamay masuuliyad daro dhaawacaysa midniimada iyo wada jirka dhuleed ee Somaliya.
‘‘Hadalkaas waa mid uur xuma ah,waxayna meel kadhac kutahay wada jirka dhuleed ee Somaliya,’’ ayuu yiri danjire Jamaal.
‘‘Siyaasada Somalia waa in loo daayaa Soomaalida,siyaasiyiintu waa inay ka waantoobaan arimaha noocan oo kale ah, ’’ayuu markale yiri safiirku Safiirka Somalia ufadhiya Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.
‘‘Midnimada,madax banaanida iyo wada jirka dhulka Somalia waa mid aan lagu xad gudbi karin,’’ hadalka kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord Raila Odinga waa mid dhaawacay Midnimada Umada Soomaliyeed”.
Hadalka Safiirka Somaliya ufadhiya Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kusoo aadaya xili Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord ee dalka Kenya Raila Odinga uu Magaalada ka sheegay in Caalamka ay aqoonsadaan Maamulka Somali-land.

