Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka walaacsan tahay dagaalada soo noq-noqonaya ee ka dhacaya deegaanka Xiim-Cadde oo ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhex maraya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga.¨
Isku dhaca maleeshiyaadkan ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen in ka badan 20 ruux halka in ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo dagaalkan saameeyay dadka ku nool deegaanka Xiim-Cadde, waxaana ka walaacsanahay in ay soo food saarto xaalad bini’aadanimo oo isugu jira cuno iyo biyo la’aan.
Sidaasi daraadeed, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxa ay ku baaqayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xabadda, maadaama aanay dadku u baahneyn dhiig macno darro ku daata, dadka ku dhimanaya dagaalkana ay yihiin dad walaalo ah.
Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqaysaa kooxaha nabad-diidka Al-shabaab iyo kooxaha qas-wadayaasha ah in ay ka daayaan degaanka hurinta colaadaha ay ka wadaan.
Ugu dambeyntii, Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka in ay u istaagaan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalkaasi isla markaana arrinta la isku hayo lagu dhameeyo wada hadal.

