Xildhibaano tira ahaan gaaraya 40-mudane oo ka Tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa sheegay in ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Xildhibaan C/laahi Cabdi Shaawey oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliyeed kana mid ah 40-ka mudane ee mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay idaacada simba ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha in uusan xilkiisa sidii la rabay u gudan islamarkana uu yahay mid hortaagan Kulamada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Waxa ay sheegeen in mooshinka ay u cuskadeen qodobo Dastuuri ah islamarkaana ay rajeenayaan in ay ku guuleystaan.
Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa xilkaan Saddexdii Bishii January ee sanadkaan, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

