Turky-ga oo Mareykanka ku Eedeeyay in uu Maalgalin Siiyay Wadaadka  Fethullah Gulen

0

Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku eedeeyay dowlada Mareykanka in aysan garab istaagin dowladiisa islamarkaana ay maalgalin ay siisay Wadaadka lagu eedeeyo in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 15-kii July.

Turkey ayaa dalbaday in Mareykanka soo gacan geliso wadaadka  Fethullah Gulen, wadaad ku nool mareykanka oo xukuumada Ankara ku eedeeysay inuu ka dambeeyay qorshihii July 15keedi ee isku day afgambi oo rabshadahii ka dhashay ku nafwaayeen 290 qof.

Waxaa uu ku eedeeyay wadamada reer galbeedka mareykanka uu ugu horeero in aysan taageero u fidin dadaalka ay uga hortageeso dawlada turkiga khatarta dheeraadka ah ee ka imaan kara dhaqdhaqaaqa kuwa taabacsan Gulen , taasoo ay sheegtay in ay ku dhex dhuumanayaan hay’adaha dawladda ee dalkaasi.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here