Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Difaaca Kenya ayaa joojiyay shaqadooda 5-tii sano aynu soo dhaafnay kadib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen Taliyeyaashooda.
Saraakiisha shaqada ka tagtay shantii sano ee la soo dhaafay, waxaa la sheegaya in badankooda ay yihiin muslimiin, waxaana sabab u noqotay in ay shaqada ka tagaan eedeeymo aan sal la aheyn oo ah in qaarkood lagu eedeeyo in ay xiriir kala dhaxeeyo , Argagixisada iyo in tacadiyo gaar ah loo geysto dadka muslimiinta ee kunool dalka Kenya.
Ha’addaha Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in ay baarayaan arrimahaan waxa ka jira iyagoo sidoo kale sheegay in guddi loo xil saari doono si ay baaritaano ugu sameeyaan arrimaha la xiriira In shaqada ay ka tageen saraakiil kenyaan ah oo maslimiin u badan.
“Waad ogtahay saaxiib anaga waxaan u adeeganaa dalkaan , waxaan diyaar u nahay inaan difaacno dalka , laakiin waxaa iska jirta niyad xumo iyo sidoo kale tixgalin la’aan , markaste anaga waxaan dhibaatooyin kala kulmaynaa codowga dalkeena” sidaas waxaa yiri sarkaal shaqada ka tagay.
Saraakiisha muslimiinta ah ee shaqada ka tagay ayaa sidoo kale la sheegay in iyaga la geeyo goobaha dagaalada iyo sidoo kale howlgalada culus ka dibna taliyeyaashooda aysan uga mahadcelin howlaha ay qabtaan.
Arintaan ayaa ku aadaysa xili xarakada al-shabaab ay weerar qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo waxaa jira warar sheegaya in weerarkas lagu dilay 200-askari oo kenyaan ah.

