Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in uu maamulka wado qorshihii ugu dambeeyay oo dhanka dagaalka ah oo al-shabaab loogu saarayo deeganada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Wuxuu tilmaamay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba-land Maxamuud Sayid aadan in la isla meel dhigay qorshe Shabaab looga saarayo Gobolka Gedo, maalmaha soo socdana lagu dhaqaaqi doono.
“Waxaan ku guuleysanay dejinta qorshe duulaan dagaal ah oo aan ku aadeyno deeganada Shabaabka ay joogaan si dhamaan halkaasi looga saaro oo gacanta Jubbaland ay u soo gasho.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.
Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa wali ku sugan deegaano ka Tirsan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

