Dowlada Kuwait ayaa shaacisay in sanadka soo socda caasimada dalkaas lagu qaban doono shir ay isugu imaanayaan dalalka iyo Ururada Caalammiga ah ee deeq bixiyeyaasha ah, si maalgelin iyo Taageeraba loogu Fidiyo horumarinta Waxbarashada Soomaliya.
Amiirka dalka Kuwait Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo ka qeyb galay dhawaan kulan madaxeedkii Wadamada Jaamacadda Carabta ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa halkaas kaga dhawaaqay In dalka Kuwiat lagu qaban doono shir ay isugu imaanayaan dalalka iyo Urururada Caalammiga ah ee deeq bixiyeyaasha ah
Agaasimaha guud ee ALESCO, Abdulaahi Hamad muxaarib oo shir jar’id ku qabtay Xarunta ALESCO ee ku taal Tunis, ayaa shaaca ka qaaday in shirkaasi uu dhici doono sanadkan 2017ka,laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo Taariikhda la qaban doono.
Abdulaahi Hamad muxaarib waxa uu hadalkiisa ku daray in dalka soomaliya uu muddo badan la daala dhacayay Aaqoondaro haatana loo baahan yahay in laga gacan siiyo dhanka Waxbarashada.

