Dhageyso:-Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Musuq Maasuqday Gargaar Loogu Tala Galay Deegaanada ay Al-shabaab Maamulaan

0

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la Hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Soo Bandhigay Xog Muujinaysa Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya ay Musuq-maasuq Baahsan ku Sameysay Gargaarkii loogu Talo galay Bulshada ay Saameynta ku yeesheen Colaada Muddada Dheer Gobalkaasi ka jirtay.

Gudoomiye ku Xigeenka Dhinaca Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Cabdulle Carabey oo Waramay idaacada Simba ayaa Sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federal-ka ay Musuq maasuqday Raashinkii Gargaar ahaa ee loogu talo Galay Dadka Dhibaataysan ee Ku Nool Dagmooyinka Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose Waxa uuna Xusay in Guud ahaa Gobalka Shabeelaha Hoose uu Soo Gaaray Labo gaari oo kaliya Kuwaasi oo la geeyey Degamada Afgooye iyo Wale-weyne Taasi oo Muujinaysa in la Musuq maasuqay Mucaawinooyinkii loogu talo galay dadka Gobalkaasi.

Gudoomiye ku Xigeenka Dhinaca Arimaha Bulshada oo Sii hadlayey ayaa Sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay si gaar ah Musuq Maasuqday Deeqdii ay la haayeen Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose ay kaga Sugan yihiin Al-shabaab iyo Kuwa ay Go’doomiyeen Deegaanada oo uu tilmaamay in dadka ku Nool ay u Baahan yihiin Gurmad Bini’aadamino.

Ugu Danbeyntii Mudane Cumar ayaa Nasiib Daro ku Tilmaamay in Wasaarada Arimaha Gudaha oo Mas’uuliyada Culus ka Saaran tahay in ay  Dadaal ku Bixiso Sidii Gurmadaka ay u baahan yihiin looga gaarsiin la’haa Dadka Deegaanada Go’doonsan Gobalka Shabeelaha Hoose iyo Deegaanada kale ay Al-shabaab Maamulaan ay Qiyaano iyo Musuq Maasuq kula Kacdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here