Dhageyso:-Askar ku Labisan Dareeska Ciidamada Dowlada Soomaliya  oo Dhac iyo Kufsi ka Geysta Deegaanka Mareerey

0

Maamulka deegaanka Mareerey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka cabanaya ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo dhac iyo kufsi kula kaca dumarka ku safra inta u dhaxeysa degmada  Afgooye iyo deegaanka  Mareerey,

Gudoomiyaha deegaanka Mareerey siidow baalle oo Wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ku labisan dareyska ciidamada in ay kufsi  iyo dhac ay u geystaan dumar ku safra inta u dhaxeysa degmada afgooye iyo deegaanka mareerey, iyagoo sidoo kale waxyaabaha fudud ka qaata raga.

Siidow Baalle ayaa ku eedeeyay arintaan Maamulka Degmada Afgooye ee dowlada soomaliya oo uu sheegay in ay soo Amareen ciidamadan dhaca iyo kufsiga ka geysta inta u dhaxeysa Degmada afgooye iyo deegaanka mareerey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here