Gudoomiyaha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Mudane Axmed Nuur Cabdi siyaad ayaa ka badbaaday shil gaari oo ka dhacay qeybo kamid degmadiisa.
Shilkaasi waxaa ku geeriyooday askari ka tirsanaa ilaala gudoomiyaha waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Shan qof oo kale oo u badnaa askar gaariga la socotay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Dayniile Mudane Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa la sheegay in shilkaas uu ka soo gaaray dhaawac fudud, waxaana hadda lagu daweenayaa mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.




