War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in mid kamid ahaa weeraradii shalay ka dhacay meel ku dhow Garoonka Magaalada Muqdisho in uu fuliyay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG-ka oo lagu magacaabo Saalax Badbaado.
Saalax Badbaado oo 57 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa ruuxii isku qarxiyay meel ku dhaw Irida Amisom, halka ruuxa kale ee isqarxiyayna la sheegay inuu ahaa ruux dhalinyaro ah oo 21 sano jir ah.
Idaacadda Islaamiga Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay codadka raggii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay meel ku dhow xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah fariisinka ugu weyn ee ciidamada Amisom.
Saalax Badbaado ayaa sidoo kale Fariin gaar ah u diray inta uusan fulinin weerarka shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland waa sida hadal loo dhigay ee kasoo baxay Al-shabaab, Wuxuu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu Weerar ku qaaday ciidamada AMISOM oo markii uu DF-ka katirsanaa isaga ilaala u ahaa.
Sanaddii 2010-kii ayuu Ex Xildhibaan Saalax Badbaado ku biiray Al-shabaab isagoo sanadihii dambe ku noolaa Goobaha ay ka arimiyaan Xarakada Al-shabaab.

