Amisom oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho

0

Taliska Amisom ee Soomaliya ayaa ka warbixiyay weerarkii saakay labada qarax loo adeegsaday ee ka dhacay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde, balse bartilmaameedka  uu ahaa Xarunta Xalane.

Afhayeenka AMISOM Joseph Kibet oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka weerarka uu ahaa in lagu galo Gudaha xarunta Xalane balse ay Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom ay ka hortageen arintaas.

Inta la xaqiijiyay 14-ruux  ayaa ku dhimatay oo u badnaa Ciidamo ka Tirsan Qaramada Midoobe gaar ahaan kuwa Miino baarista iyo Ciidamada Nabad sugida Soomaliya  weerarka ka dhacay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde.

Mas’uuliyada Qaraxyadaas waxaa sheegtay Al-Shabaab, afhayeenka dhanka Howlgalada Al-shabaab Shiikh C/casiis abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta al-shabaab ayaa sheegay in weerarka lagu dilay tiro ka Tirsan ciidamada Amisom.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here