Wafdi sare uu Hogaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Brundi ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom.
Ciidamada Brundi ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa Fariinsin ciidan waxa ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ambassador Francisco Madeira Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa waxaa la socday Ku xigeenkiisa iyo Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Jeneral Cismaan Nuur Subagle oo dhawaan xilka loo magacaabay.
Madaxa howlgalka Amisom ayaa u sheegay ciidamada ujeedka socdaalkooda inuu yahay isbarashada Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom iyo sidoo kale sidii loo dar dargelin lahaa xaqiijinta ammaanka Degmada Jowhar.
Ciidamada Brundi waxa ay ku sugan Yihiin sidoo kale Degmooyinka Cadale iyo Adan Yabaal.








